
Sabti, October 20, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Kenya Mr. Mwai Kibaki ayaa maalintii shalay ahayd waxaa uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo uu ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika.
Safiirka oo markii uu warqadihii aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Kenya kadib la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in isaga iyo 7 Safiir oo kale oo ka kala socday Dalalka Kuweyt, Zambia, Beljim, Finland, Japan iyo Poland si rasmi ah looga guddoomay Warqadaha Caddeynaya Danjirenimadooda.
Danjire Maxamed Cali Ameerika oo hadal kooban jeediyay kadib markii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ayaa wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha iyo Shacabka Kenya taageerada aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii xoogeysan lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dal ka dhaxeeya.
Danjire Maxamed Cali Ameerika oo loo dhameystiray tas-hiilaadka Safiirnimo ee uu u baahan yahay ayaa wuxuu sheegay in uu kulamo la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya, isla markaana uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka heysta.
Danjiraha oo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa dhawaan wuxuu raashin mucaawino ah gaarsiiyay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya Kenya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Dad ka soo barakacay Soomaaliya, kuwaasi oo raashinkii deeqda ahaa ee la gaarsiiyay si fiican ugu farxay, ugana mahadceliyay Safiirka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia