4.7 C
London
Sunday, October 26, 2025

Waa sidee Kiiska Hooyo iyo Wiilkeeda loo heysto in ay yihiin gacan ku dhiiglayaal?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 20, 2007(HOL):  Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa dhawaan gacanta ku soo dhigay Xaawo Xasan Bare iyo Yaxye Max’ed Diiriye oo ah Hooyo iyo Wiilkeeda loo heysto in dileen Qof dumar ah oo ay diris ahaayeen  15- bishan aynu ku jirno.

 

Xaawo Xasan Bare iyo Wiilka dhashay oo loo gudbiyay Xabsiga ayaa dacwada ku saabsan Kiiskooda waxaa uu yahay mid aan sahlaneyn islamarkaana Muran badani uu ka taagan yahay gaar ahaan cida rasmiga ah ee la oran karo waa gacan ku dhiiglaha dalka geystay.

 

Ehelada Marxuumada Geeriyootay ayaa iyagu qaba in Xaawo Xasan iyo Wiilkeeda yaxye yihiin labo gacan ku dhiigle oo si wada jir ah u dalay Maraxuumad Dhaqan, halka dhinaca dadka sida weyn sharciga ugu dhaw dhawna sheegayaan in Kiisku qof kaliya Fuulayo oo aysan suurta gal aheyn in labaduna noqdaan gacan ku dhiigleyaal.

 

Dhinaca kale Culimada Diinta ayaa iyaguna qaba in ay noqon karaa gacan ku dhiiglayaal hadii si wada jir ah uga wada qeyb-qaateen dilka Murxuumada islamarkaana la waafijin karo shareecada Islaamaka,  Liikiin waxaa iyana xusid mudan Dood ay qabaan qeybo kale oo ka mid ah isla Culimada Diinta oo sheegeysa in mar walba la fiirinayo cida ugu danbeytii  sababta u aheyd dhimashada qofka geeriyooday.

 

Saacadaha Soo socda ayaa la filayaa in dawacada iyo sida laga yeelayo arinta Xaawo Xasan Bare iyo Wiilkeeda laga Furo Maxkamada Gobalka si loo soo afjaro ugu danbeytii xaalada edeysanayaasha xiran.

 

Dilka Muruuxmada dhimatay ayaa ka dhashay Caruur ka soo kala jeeda labada Qoys oo uu dagaal dhax maray, taasoo markii danbe sababtay in xaalku u sii gudbo Caruurta Dirirtay oo ah arin inta badan aan ka dhax dhicin Qoysaska Soomaaliyeed.

 

Wiilka Lagu magaacbo Yaxye Max’ed Diiriye ayaa markii hore si aan naxariis laheyn ugu garaacay Maraxuumada Gaariyootay (Baakad ) halka markii danbe Hooyadii Xaawo u sii raacisay (Tooorey) Sida la sheegay ay Qoorta uga goysay Alle ha unaxariistee Maraxuumad Dhaqan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).