13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Danjire cusub oo loo magacaabay Dalka Jarmalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 02, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay magacawday Danjiraha u fadhin doona Dalka Jarmalka, iyadoo xilkaas Safiirnimana loo magacaabay Danjire Maxamuud Maxamed Tifow

 

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali ayaa sheegay in Danjiraha cusub ee Jarmalka loo magacaabay uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimadiisa uu kala wareegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hortiisa lagu dhaariyay.

 

Danjire Maxamuud Maxamed Tifow oo isna ka hadlay munaasabaddii lagu dhaariyay ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay xilka loo doortay, wuxuuna caddeeyay in uu xilkiisa u gudan doono si ay ku jirto Danta Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kalena, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu goostay Safiirkii ay Dowladda Federaalka u magacawday Dalka Suuriya, C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo haatan ku sugan Dalka Sweden.

 

Agaasimaha waxaa uu sheegay in Dowladda Suuriya ay soo ogolaatay in ay Dowladda Federaalka soo dirsato Safiirka u fadhin doona Dalka Suuriya, isla markaana ay dhawaan soo gaari doonaan warqadihii ay Dowladda Suuriya ogolaashaha ku bixineysay, “inta aan ka ognahay C/raxmaan Diinaari ma ahan Nin ay ka suurtoobaan in uu ku kaco waxyaabaha laga sheegayo ee ah in uu goostay”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay furtay Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo xafladdii lagu furayayna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).