13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in wax laga bedelayo qaab dhaqanka Ciidamada Dowladda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 02, 2007(HOL): Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wax laga bedelayo qaab-dhaqanka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay Dadka Shacabka ah ka sheegteen.

 

Wasiiru-dowlaha waxaa uu sheegay in go’aankaas la qaatay kadib markii ay kulan wada yeesheen golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada  Dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Ammaanka, wuxuuna caddeeyay in dhawaan is-bedel weyn laga dareemi doono qaab dhaqanka Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu ka hadlay cidda ka dambeysa nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay 90% ka dambeeyaan falalka nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ka dhaca, 10% ay ka dambeeyaan Ciidamada Dowladda oo markaas is-difaacaya.

 

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan laga sheeganayay Ciidamada Dowladda Federaalka oo la sheegay in ay Dad Rayid ah ka bara-kiciyeen xaafado ay deganaayeen, sidoo kalena ay dhac ka geystaan meelaha ay howlgallada ka sameynayaan.

 

Sidoo kalena, hadalka Wasiirkan ayaa wuxuu soo baxayaa iyadoo ay jiraan warar isa soo taraya oo sheegaya in sugidda Ammaanka Muqdisho lagu wareejinayo Ciidamo Itoobiyaan ah, Ciidamada Dowladdana loo furi doono tababar lagu barayo sida ay u xajin karaan Ammaanka Muqdisho oo farahooda ka baxay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).