Talaado, October 02, 2007(HOL): Qarax Miino oo aad u xooggan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan agagaarka Warshaddii Caanaha ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas oo la sheegay in wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa uu sababay dhaawaca seddex ruux oo ay ku jirtay Haweeney gacanta ka go’day, kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay Isbitaalka Madiina.
G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in Qaraxaas uu ahaa mid ay Wadada ku aaseen Kooxaha wax qarxiya, wuxuuna beeniyay in Qaraxaas lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaas marayay.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobtaas tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo baaritaanno ka sameeyay halkii uu qaraxa ka dhacay, iyadoo markii ay Ciidamada halkaas gaareen kadibna ay dadkii halkaas ku sugnaa ay kala carareen iyagoo ka baqaya in ay Ciidamada u qabtaan tuhun ku saabsan in ay Qaraxa wax ka ogaayeen.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay qaraxyo lala beegsado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo weliba dilal loo geysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhigeen mid ay Dad badan ka barakacaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






