12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Suuqa Bakaaraha oo ganacsigiisa uu is-bedel weyn ku yimid

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 02, 2007(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe wuxuu ahaa mid aaney hagaagsaneyn xaaladdiisa ammaan, waxayna taasi saameyn ku yeelatay ganacsigii uu mashquulka ku ahaa.

 

Suuqa Bakaaraha oo ahaa mid mashquul ah oo ay buuxdhaafin jireen dad isugu jiray kuwo u tegay in ay wax ka soo iibsadaan iyo kuwo ku ganacsada ayaa haatan wuxuu yahay mid firaaqo ah oo aanu ka jirin dhaqdhaqaaq ganacsi oo baaxad leh.

 

Ganacsigii Suuqa ayaa wuxuu yaraaday kadib markii uu Suuqa  magan u noqday Qaraxyo ay kooxo hubeysan la beegsadaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo gudaha Suuqa ku sugan iyo Ciidamada oo marka qaraxyada lala beegsado kadib fura rasaas badan oo ay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ka soo gaarto Dadka Suuqa u taga ganacsiga iyo wax iibsiga.

 

Xiligan oo kale oo uu Suuqa mashquul ku ahaan jiray soo bandhigista Dharka Ciidda iyo weliba Alaabaha kale ee ay Caruurta ku ciidaan ayaa haatan wuxuu yahay mid aan dhaqdhaqaaqayadaas laga arkeynin, waxayna maalmahan Dharka Ciidda iyo Alaabaha kaleba ka doontaan Suuqyada Xamar-weyne iyo Suuq Bacaad oo ay ganacsatada qaarkood u wareejiyeen ganacsigooda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa mid haddii ay ku sii socdaan dilalka ka dhacaya lagu kala guuri doono, isla markaana ay ku hari doonaan Ganacsatada leh Hantida ma-guurtada ah ee aan iyagu ganacsigooda Suuq kale u wareejin karin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).