Jimco, October 19, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay saaka gurigiisa ka kaxeysteen Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed.
Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo Abwaanka saaxib dhow la ah ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay saaka gurigiisa kala baxeen Abwaan Abshir Bacadle, isagoo sheegay in uu taasi ogaaday kadib markii uu guriga Abwaanka tagay.
Abwaan Guure waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in aaney jirin cid uu Abwaan Abshir Bacadle dhibaato u geystay iyo dembi uu galay toona, isla markaana waxa loo bartilmaameedsaday ay tahay fikirkiisa oo uu sheegay in uu xor u yahay.
“Abawaanka wuxuu ka mid yahay Abwaannada sida weyn looga qadariyo Soomaaliya, waana Abwaan qaali ah, sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa in Abwaanka xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo, isla markaana la soo daayo”ayuu yiri Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure.
Ilaa iyo haatan ma cadda sababta ay Ciidamada Dowladda Federaalka u kaxeysteen Abwaanka oo ah Guddoomiyaha Abwaannada Soomaaliyeed, mar kalena ka tirsan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Abwaan Abshir Bacadle ayaa si weyn u taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka ee dagaalka la galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, wuxuuna ka soo muuqan jiray isagoo qori AK47 ah wata Fagaarayaashii ay ka qudbeyn jireen Madaxda Maxkamadihii Islaamka.
Ugu dambeyntiina, Falka ay Ciidamada Dowaldda Federaalka gurigiisa ugala baxeen Abwaan Abshir Bacadle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo labo maalmood ka hor ay Ciidamada Dowladda Xafiiskiisa ka kaxeysteen Madaxa Hay’adda WFP ee magaalada Muqdisho Mr. Idiris Maxamed Cusmaan, kaasi oo haatan u xiran Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






