5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Madaxweyne Rayaale oo la kulmay Wefti ka socda Hay’adda CARITAS

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 18, 2007(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda CARITAS oo ka dhisan Waddanka Switzerland, horena loo odhan jira Swiss Group.

 

Kulankan dhex maray M/weynaha iyo Madaxda CARITAS, ayaa waxa M/weynaha ku wehelinayay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshanta Qaranka, Cali Maxamed Ibraahim.

 

Warsaxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani Mooge, ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan:

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa saaka uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda loo yaqaano CARITAS oo ka tirsan dalka Switzerland, horena loo odhan jiray Swiss Group.

 

Hay’addaasi oo ka shaqaynaysay dalka Somaliland  tan iyo sanadkii 1995-kii, waxay ka fuliyeen  Mashaariic dhawr ah oo ku aadan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta Nadaafada Biyaha , Fayo dhawrka Nadaafada Biyaha iyo Mashaariicda horumarinta kaalinta haweenku ay ugu jiraan Bulshada iyo kor u qaadida waxbarashadooda , gaar ahaan  haweenka waaweyn   ee aan soo marin dugsiyada caadiga ah. waxa kale oo ay hay’addu ka hawl gashaa tababarada kooxaha dhalinyarada ee aan shaqayn, si ay u bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqaystaan Mustaqbalka .

 

Wasiirka Qorshaynta JSL Mudane Cali Ibraahim ‘’Cali Sanyare’’ oo isna halkaa  hadal kooban ka jeediyay waxa uu ku hambalyeeyay  Hay’adda CARITAS Mashaariicdii ay tan iyo haatan  ka fulisay Somaliland , waxaanu ballan qaaday inuu wasaaradiisu ay sii kordhin doonto iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ay la leedahay hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala Somaliland oo ay ka mid tahay CARITAS Switzerland.

 

Mr. JORG KRUMMENACHER  oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda CARITAS Switzerland waxa uu ugu mahad naqay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba soo dhawaynta fiican ee uu kala kulmay isaga iyo wefdigiisu intii ay joogeen dalka.

 

Mr Jorg Krummenacher waxa kale oo uu cadeeyay in hay’addiisu ay sii dar dar gelin doonto Mashaariicda horumarka ah  ee ay ka waddo Somaliland , isaga oo tibaaxay in mashaariicdaasi, gaar ahaan  Nadaafada Biyaha la cabbo iyo waxbarashadaba ay ku sii fidin doonaan  Tuulooyinka iyo dhulka Baadiyaha ah ee Somaliland, taas oo wax weyn ka tari doonta Nolosha dad fara badan oo reer Somaliland ah oo ku nool dhulka Miyiga .

 

Hay’addaasi loo yaqaano CARITAS oo ka tirsan  wadamada Switzerland iyo Luxemborg , waxa ay bilowday in ay ka hawl gasho wadanka Soomaaliya 1993-kii , hase yeeshee waxa ay xidhay xafiisyadii ay ku lahayd Soomaaliya, ka dib markii la dilay  nin ka mid ahaa shaqaalaheedii, waxana ay dabadeed go’aansatay in ay ka furato Xafiis Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ka shaqaynaysay tan iyo 1995-kii.”

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).