5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Munaasabado ay ka qeybqaateen Bahda Isboortiga iyo Ardayda Dugsiyada Magaalada Beledweyne oo lagu soo gebagebeeyay Xuska Maalinta Saboolnimada Adduunka

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, October 18, 2007(HOL):  Munaasabada Maalinta Saboolnimada Aduunka oo siweyn looga xusay Magaalada B/weyn ayaa ugu danbeytii lagu soo gabo gabeeyay Xaflado iyo Munaasabado ay ka qeyb-qaateen Bahda Isbotiga iyo Ardayda wax ka barata qaar ka mid ah Dugsiyada Waxbarshada.

 

Ardayda Tiradoodu ay dhan  680 waxna ka barta Dugsiga Sare ee Beledweye ayaa  isku taagtay xuska maalinta Saboolnimada Aduunka, waxaana qeybihii ka hadlay Dugsiga sheegeen in ay siweyn u taageersan yihiin la dagaalanka Saboolnimada oo ay sheegeen in ay cadow ku tahay kobaca Waxbarashada in  badan oo ka mid ah Dhalinta ku Nool Qaarada Africa, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo sida la dhawaajiyay ay jiraan Arday isaga tagtay waxbarashada sababo dhinaca saboolnimada ah awgeed.

 

Intii uu socday Fantisyaha ay sameynayeen Ardayda ayaa waxaa halkaa la aqriyay war mutiyeed ku saabsan Saboolnimada oo inta badan dadka ka soo qeyb-galay siweyn u soo jiitay.

 

Ururka HIPO-CHILD oo soo qaban qaabiyay Muunsabada maalinta dhawaaqa caalimiga ah ee la dagaalanka Saboolnimada ayaa sidoo kale waxaa ay Koob loogu tala galay Xuska Maalintaas u dhigeen Labo kooxood oo kala matalayay Degmooyina Beleweyne iyo Buul-burte Taasoo ay u soo daawasho  tageen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha Samafalka Gobalka iyada oo ka hor inta aysan cayaartu bilaaban dad dhan 405 isugu jira cayaartoy iyo kuwii u soo daawasho tagay isku taageen taageerada ay u hayaan in lala dagaalo saboolnimada,  ugu danbeytiina waxaa halkaa ay guushu ku raacaday Kooxdii ku cayaareysay Magaca Degamada Beledweyne (Raabiyo) oo halkaa lagu gudoonsiiyay Koobkii loogu tala galay.

 

Ugu danbeytiina waxaa qaar ka mid ah Qalabka warbaahinta ka howl-gala Magaalada Beledweyne si toos ah uga baxayay  Doodo si gaar ah diirada loogu saarayay Qodobo ay ka mid ahaayeen Wax inta badan salka u ah Saboolnimada heysata Wadamada loogu magac daray kuwa soo koraya iyo waliba sida ugu haboon looga bixi karo waxaana dhinacyadii ka qeyb-qaatay sheegeen in looga bixi karo oo kaliya in dadka ku dhaqan Qaarada Gaar ahaan dalka Soomaaliya arintaa ka yeeshaan fikir medeysan oo dadka ku hagaya ka faa’ideysiga qeyraadka dalkooda.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).