Khamiis, October 18, 2007(HOL): Hay’adda Jarmalka ah ee GAA (German Agro Action), ayaa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan dib uga bilaabayso hawleheedii dalka Somaliland, ka dib markii shaqaaleheeda si ku meel gaadh ah hore ugala baxday arrimo la xidhiidha isku-dhacyadii milatari ee bariga Somaliland.
Qoraal ay hay’addu ka soo saartay xarunteeda Bonn ee Jarmalka, laguna socodsiiyay cid kasta oo ay khusayso, ayaa nuqul ka mid ah uu ku saxeexan yahay Bruno Friedrich, oo ah Madaxa Hay’adda German Agro Action (GAA) ee gobolku, waxa uu u dhignaa sidan:
“Ka dib markii ay dhaceen jid-gooyooyin milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland, Hay’adda German Agro Action (GAA) waxay si ku-meel-gaadh ah ugala baxday shaqaaleheeda meelihii ay ka waday saddexda mashruuc ee Burco, Ceerigaabo iyo Boorama 04/10/2007. Waxaan halkan idinkula socodsiinayaa in markii la sameeyay qiimayn arrimaha amaanka ah, oo ay ka qaybqaateen NGOs-ka arrimaha amaanka, iyo warbixino amaanka ah, oo ay soo diyaariyeen shaqaalaha GAA ee Somaliland ku sugan, iyaga oo raacayay tilmaamihii ka imanayay Xarunta GAA ee Bonn, Jarmalku waxay si degdeg ah u qaadeen xayiraadii. Ka dib, xaaladdaha caadiga ah ee laysku hallayn karo amaankooda, hawlihii mashaariicdu si dhakhso ah ayay u bilaaban doonaan.”
Source: Wargeyska Ogaal