Khamiis,
Kooxo hubeysan ayaa saaka waxay ku dileen Suuqa Arjantiin Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Laanta Arjantiin oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Jiis iyo weliba Askari la jiray oo isna lagu magacaabi jiray Xiis Macallin.
Goob-jooge lagu magacaabo Abuukar Cabdi Axmed ayaa wuxuu u sheegay HOL in ay sidoo kale ay geeriyoodeen Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cabdulle Dhedey oo ahaa Guddoomiyaha Abaabulka Dhalinyarada Deegaankaas iyo weliba Haweeney wadada mareysay oo dhaawac ahaan loo qaaday balse intii isbitaalka loo sii waday geeriyootay.
Suuqa Bakaaraha, qeybta dawada lagu iibiyo ayaa maanta waxaa lagu dilay nin rayid ah, kaasi oo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la ogeyn sababtii ay u dileen, waxaana la sheegay in marxuumkaas uu ka mid ahaa dadka saaka u soo shaqo tegay Suuqa Bakaaraha.
Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa isna maanta waxaa ka dhacay seddex qarax oo is-xigay, kuwaasi oo lala eegtay ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa gudaha Suuq Bacaad.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa Suuq Bacaad tegay Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo howlgallo baaris ah ka bilaabay halkii qaraxyada ka dhaceen, iyadoo howlgalladaasina ay caqabad ku noqdeen howlihii ganacsiga ahaa ee ka socday Suuqaas.
Qaraxyada iyo dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo uu khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay haatan khilaafkooda xal u raadineyso Dowladda Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






