Khamiis,
Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha kadib waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu isna
Afhayeen u hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusud Axmed oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan Xasan ayaa sheegay in uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u soconin
Inkastoo uu Afhayeenka u hadlay Madaxweyne Yuusuf uu sidaas leeyahay, hadana waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in madaxweynaha uu isna tegi doono magaalada Addis Ababa, halkaasi oo isaga iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay ku dhexdhexaadin doonaan madaxda Itoobiya.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa shalay markii uu tegay magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, iyadoo garoonka Diyaaradahana uu ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Tadhaka Alimu.
Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa maanta la filayaa in uu kulan kale la qaato Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Yuusuf.
Sidoo kalenna inta uu Ra’iisal Wasaaraha joogo magaalada Addis Ababa joogo ayuu kulamo la qaadan doonaan Madaxda Midowga Afrika, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan arrimaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






