9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo shaaciyay waxa keenayay Sicir bararka ka taagan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 18, 2007(HOL): Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaca ka qaaday in sicir bararka ka jira Soomaaliya uu ka dhashay lacago been abuur ah oo dalka la soo geliyay.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in arrinta ku saabsan lacagta been abuurka ah ee dalka la soo geliyay dhawaan uu ka hadli doono Baarlamaanka Soomaaliya, walow uu sheegay in la isku dayayo in la hor-istaago baaritaanka uu Baarlamaanka ku sameynayo waxa keenay sicirka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

 

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay la socdaan in lacag badan la soo geliyay dalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay shacabka noloshii ku adkeysay kadib markii ay sare u kaceen raashinkii iyo wax kasta oo ay dadka u baahan yihiin.

 

Sicir bararka ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah ee ay dadku manaafacaadsadaan ayaa wuxuu yimid kadib markii ganacsato Soomaaliyeed oo aan dadka u naxeynin ay keensadeen makiinado lacagta lagu daabaco, kadibna ay lacagtii been abuurka ahayd ee ay daabacdeen ay ku bedesheen lacag doollar ah, iyadoo taasina ay keentay in uu qiimaha sarifka Doollarka uu sare u kaco, isla markaana boqolkii Doollar Suuqyada Muqdisho lagu kala sarifto lacag ka badan 2 Milyan Shillin Soomaali ah.

 

Saldhigasho la’aanta sarifka Doollarka ee Suuqayada Muqdisho ayaa wuxuu soo bilowday horaantii sanadkii 2000, xiligaas oo Dalka Jabuuti uu ka socday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ka soo baxday Dowladdii TNG-da, markaas oo sidan oo kale lacagta Shillin Soomaaliga lagu bedelayay Lacag Doollar ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkaas ka hor uu sarifka boqolkii Doollar ahaa 800,000 Shillin Soomaali ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).