Khamiis,
Gudoomiye Dabageed waxaa uu intaa ku daray in wax lala yaabo tahay in Bilawgii Bisha barakeysan ee Ramadaan Qarax aad u weyn uu ka dhacay Xaafada Buundo-weyn islamarkaana habeenkii uu Ramadaanku dhamaaday sidoo kale isla xaafada Bam lagu waraxiyay taasoo muujineysa ayuu yiri arimuhu yihiin kuwo abaabulan.
Lakiin waxaa uu ka raali galiyay dad ku dhaqan Xaafada Buundo-weyne howl-galkii ciidamada amaanku ka sameeyeen xaafada oo meelaha qaar la sheegay in xad gudub uu ka dhacay, “”Anagu Ciidamada uma soo dirin in ay dadka ku xad-gubaan lakiin waan isku ogeyn in gacan bir ah lagu qabto kuwa amaan darada horseedaya ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo dhanka kale ka hadlay cida uu aamin san yahay in Qaraxyada ka dhaca Magaalada ka danbeeyaan.
Waxaa uu yiri “”Aniga Ma’aamin sani sida dadka qaar ay qabaan oo ah in Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Beledweyne ku lug leeyihiin Maxkamadihii Islaamiga, Maxkamaduhu dadka ma dilaan lakiin waxaa arintaa ka danbeeya kooxo doonaya in iska horkeenaa Culimada iyo maamulka gobalka ayuu sheegay Gudoomiye Dabageed.
hadalka Gudoomiyaha ee ah in qaraxyada ka dhacaya Gobalka Hiiraan aysan wax lug ah ku laheyn Xubihii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga ayeey dad badani u arkayaan Fur furnaan dhinaca siyaasada ah oo uu ku talaabsanayo Maamulka Gobalka Hiiraan.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa ugu danbeytii sheegay in uusan jirin wax Bandow ah lakiin ciidamada lagu amrayo in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa kuwa doonaya in geysataan falal amaanka hor imaanaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






