9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Xaflad lagu xusayay maalinta Saboolnimada Adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, 17, Og.2007 (HOL)  Munaasabad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen inta badan Hay’adaha Samafalka ka howl-gala gobalka Hiiraan iyo xubno ka trsan qeybaha bulshada kuna aadaneyd maalinta saboolnimada aduunka ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Beledweyne.

 

Munaasabada oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Dayeelka Caruurta ee HAPOCHIL ee Gobalka Hiiraan ayaa dhinacyadii ka halayay waxaa ay si qota dheer uga hadleen Faqriaga iyo waliba  nooca Saboolnimo ee ka jirta dalkeena Soomaliya.

 

C/risaaq Yuusuf Baarey oo ah madax Ururka soo Agaamsimay Munaasabada ee HAPOCHIL oo ka hadlaya ugu horeyn Saboolnimada Dilootay qeybo badan oo ka mid ah wadamada qaarada Africa ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee sababta u ah Faqriga ka jira inta badan qaarada ay sabab u yihiin Colaadaha, waxaa uu tusaale u soo qaaray Baarey marka la eego maanta 53 Dal ee Qaaradu ka kooban tahay in ay yar yihiin kuwa ka bad-baaday arimaha la xiriira dagaalada iyo waliba Colaadaha noockasta oo ay ku saleysan yihiin,

 

Gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay dalka Soomaaliya oo sida uu sheegay ka mid ah dalalka ugu qeyraadka badan Qarada Africa maanta in dadka ku dhaqani yihiin kuwo ku nool wax ka hooseeya heerka Saboolnimada ka jirta dunida,  waxaa uu Tusaale u soo qaatay C/risaaq Yuusuf Baarey Gobalada Shabeelooyinka oo ka mid ah gobalada ugu wax soo saarka badan dalka in Daraasaad ay sameeysay Hay’ada UNICEF lagu ogaaday  in ka badan 18,000 oo ka mid ah caruurta ku dhaqan  la liitaan Nafaqo dari ka dhalatay gaajo iyo faqri ku habsaday Qoysaska ay ka soo jeedaan taasoo ugu wacan ayuu yiri Colaadaha jira oo sababay in xitaa dadku iskaba ilaabo wax soo saarkii dhulka.

 

C/risaaq Baarey oo siweyn ugu dheeraaday ka hadalka arinta ku aadan Saboolnimada ayaa ugu danbeytii sheegay in Faqirgu macnihiisu aheyn in la waayo oo kaliya wax la cuno lakiin Aqoondarida iyo amniga oo la waayo ay qeyb-wayn ku leeyihiin Saboolnimada.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Munaasabada Madaxa waxbarashada Gobalka Hiiraan Max’ed Macalin oo soo bandhigay sida Xitaa Faqrigu u saameeyay waxbarashada, waxaana uu sheegay in daarad la sameeyay lagu ogaaday in Caruuta ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee gaartay waqtigii waxbarashada ay dhan yihiin 80, 000 lakiin waxaa uu yiri waxaa Dugsiyada taga  wax ka badan 10, 000 kaliya taasoo muujineysa dhibtaada dhinaca dhaqaalaha ka heysata in badan oo ka mid ah Qoysaska Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda oo maalinta Dhawaaqa Caalimiga ah ee la la dagaalanka Saboolnimada oo loo soo gaabiyo (G-CAP) ayaa dhinacyadii ka soo qeyb-galay waxaa ay isla qireen in amni xumadu qeyb-weyn ku leedahay dib u dhaca aadanaha islamarkaana amaanka oo meesha ka baxa Micnaheedu yahay Nolashii oo dhamaanba dhuntay.

 

Waxaa ugu dambeytii halkaas lagu soo bandhigay Ruwaayad ka turjumeysa qiimaha ay leedahay Qudashada beeraha taasoo dadka ka soo qeyb-galay munaasabada siweyn u soo jiitay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlien

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).