9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Guddoomiyihii Seddexaad ee Degmada Yaaqshiid oo Qarax Miino lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 17, 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cabdi Miiney ayaa saaka Qarax Miino oo uu ku dhaawacmay waxaa uu ugu geeriyooday Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha ayaa xiliga ay Miinada ku qarxeysay waxaa  uu ka soo baxay Xarunta Degmada Yaaqshiid, waxayna Miinada kula qaraxday halka lagu magacaabo Geed Qalooc oo u dhaxeeya Isgoysyada Sanca iyo Afarta Jardiino.

 

Sidoo kalena waxaa iyana dhaawac soo gaaray u geeriyooday Darawalkii Guddoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Dhocob iyo Askari ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha.

 

Aagga uu Qaraxa ka dhacay ayaa haatan ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaraya xaafadaha u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Degmada Yaaqshiid Cabdi Miiney, waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii Seddexaad ee Degmadaas loo magacaabo, kaasi oo ay dilaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federeaalka Soomaaliya, waxaana horay loo dilay Guddoomiyayaashii Degmadaas ee kala ahaa Muxyaddiin Xasan Xaaji iyo Xaaji Cali Fiidow, kuwasi oo ay kooxo hubeysan toogteen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa uu dagaal xooggan ka dhacay Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Bakaaraha iyo Xaafadda Geed Jaceyl.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).