9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Dagaal Khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 17, 2007(HOL):Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Bakaaraha iyo Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley.

 

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Saldhigga Degmada Howl-Wadaag iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday ayaa waxaa uu geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana la xaqiijiyay in ay dagaalkii xalay ku geeriyoodeen dad shan ruux ka badan, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiradooda kor u dhaafeyso 20 ruux.

 

Dagaalka oo ahaa midkii ugu cuslaa ee Muqdisho ka dhaca ayaa wuxuu socday muddo shan saacadood ah, iyadoo uu saameyn ku yeeshay xaafado dhowr ah oo ka fog halka uu dagaalka ka socday.

 

Madfac habow ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa intii uu dagaalkaas socday wuxuu ku dhacay Goob ay dadka ku badan yihiin oo lagu qarweeyo, taasi oo u dhow Isgoyska Siinaay, waxaana halkaas ku geeriyooday 3 ruux oo uu ku jiray Shiikh caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Shiikh Cali Digir, halka ay halkaas ku dhaawacmeen dad kale oo toban ruux ka badan.

 

Sidoo kalena madaafiic habow ah oo isna ku dhacay Xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhaawaca labo canug oo aad u yar yar, kuwaasi oo mid ka mid ah uu jiray 30 cisho.

 

Dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalkana sarkaal u hadlay oo lagu magacaabo Col. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen sida uu u yiri Kooxaha Nabad-diidayaasha, wuxuuna caddeeyay in uu dhinacooda dagaalka uga geeriyooday hal askari.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho xalay waxay ahayd mid dagaal oo ay dadku cabsi ku hoydeen bacdamaa ay dushooda ka dhacayeen madaafiic aan loo meel dayeynin oo ay dhinacyadii dagaalamayay u tuurayeen dhinacii ay doonaan.

 

Ugu dambeyntiina, Dad badan oo u deganaa xaafadaha u dhow Saldhigga Degmada Howl- Wadagaag iyo kuwo kale oo iyana u dhow Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ayaa saaka la arkayay iyagoo ka barakacaya goobihii xalay lagu dagaalamay, waxayna dadkaas qaarkood sheegeen in ay go’aansadeen in ay naftooda u raadiyaan meel ay uga nabadgeleyso dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).