Arbaco,
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Hay’adda WFP ee Magaalada Muqdisho oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa HOL u xaqiijiyay in ay xafiiskooda soo galeen Kontomeeyo Ciidamo ah oo ka socday Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo kaxeystay Mr. Idiris Maxamed Cusmaan.
Sarkaalkan ma sheegin sababta ay loo kaxeystay Ninka madaxda u ah, balse waxaa uu sheegay in haatan la geeyay Xarunta Baarista Xisbiga, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.
“Ma naqaano wax ay Ciidamada Nabad-sugidda nagu heystaan, waayo annagu waxaan bulshada soo gaarsiinaa gargaarka beesha Caalamka ka soo gaara, haatanna waxaan raashin ka qeybineynay Gobolka Banaadir, deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose-na dhawaan ayaan u qaadi lahayn”ayuu yiri sarkaal u hadlay Xafiiska WFP ee Muqdisho.
Qabashada Madaxa Xafiiska WFP ee Muqdisho Mr. Idiris Maxamed Cusmaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay Hay’adaha Samafalka in aysan Dadka Soomaaliyeed waxba u qaban, isal markaana ay Caalamka u gudbiyaan inay wax u qabtaan Shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur ayaa sheegay in Hay’adaha Samafalka ay sheegaan in ay shacabka Soomaaliyeed wax u qabtaan, iyadoo aaney jirin wax ay u qabtaan, “Shacabka Soomaaliyeed wuu isku tashan doonaa, waana ka maarmi doonaa kaalmo uu ka sugo hay’adaha Samafalka”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






