Arbaco,
Weerarka Gaariga oo loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga Tuuro ah ayaa waxaa xigay rasaas culus oo ay Ridiyeen Ciidamda Dowlada Federaalka taasoo mar marka qaarna u muuqatay mid lays-weydaarsanayo, waxaana ay ciidamada markiiba xireen dhamaan Isgoosyada Magaalada iyagoo sidoo kalana dadka ku amray in ay xiraan Goobahooda gacasiga.
Guddoomiyaha Degamada Beledweye Cilmi Saney Qaasim oo saakay warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay magalada uu ahaa mid isaga la doonayay in lagu qaarajiyo waayo ayuu yiri xiligaa waxaan taagnaa goob aan ka fogeyn halka Qaraxu ka dhacay, waxaana uu intaa ku daray Gudoomiyuhu in Xaalada magaaladu tahay mid aan hagaasneyn loona baahan in laga qaado talaabo ka badan sida uu hadalka u dhigay inta hada Ciidamadu ka qaadayaan.
Laakiin marka dhinac laga eego sheegashada Gudoomiyaha Degmada ee ah in isaga lala damacsanaa wararkii xalay ayaa la
Sidoo kale isla habeenimadii xalay wax yar uu ka dib markii uu qaraxu dhacay ayaa kooxu hubeysan oo aan lagaraneyn waxaa ay weerar ku qaadeen Taliye xigeenka Nabad-sugida Gobalka G/Sare C/risaaq Aadan kaasoo uu soo gaaaray sida la ii xaqiijiyay dhaawac fudud.
Marka la eego sida xaalada magaaladu tahay maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay dad badani qabaan in arimuhu u eg-yihiin xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho oo kale maadaama magaaladu maalintii tahay mid Nabdoon habeenkiina la maqlayo Rasaas iyo Qaraxyo aan la ogeyn cida is weydaarsaneysa.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in wararkii habeenimadii xalay uu ku soo beegmay xili maalintii shalay qeybo ka mid ah Ciidamada Maamulka Gobalku sameeyeen Gadood ay kaga cabanayaan mashaaraadka oo aan la siin islamarkaana waxaan meesha ka marneyn in wararkii xalay uu ka danbeeya howl-gal habeenkii ka horeeyay ciidamada Nabad-galyadu ka sameeyeen Xaafada Buudo-weyn ee magaalada Beledweyne kaasoo lagu qab-qatay in ka badan 60 dhalin yaro ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






