
“Maamul baa isbedelay ee reeruhu isma bedelin, waana in wixii fidmo ku abuuraya la joojiyo iyo in kii reer Sool ee Puntland la jiray uu dalkiisii yimaaddo”
Talaado,
Weftigan oo ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa waxa ka mid ah Wasiirrada, Horumarinta Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde, Caddaaladda Axmed Xasan Cali (Casoowe), Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Liibaan Ducaale Casayr, Kalluumaysiga Cali Qoorseef iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamuud Faarax, Xildhibaan Dhakool iyo Xildhibaano kale.
Ujeedada ay weftigani u tegayaan Laascaanood ayaa sida uu sheegay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada
Bixitaanka weftigan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii uu shalay dagaal dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Puntland ka qarxay deegaannada Laascaanood ee Gobolka Sool. Taas oo ugu dambayntii ay Ciidamada Sool gacanta ku dhigeen Magaalada Laascaanood, oo sida ay wararku sheegayaan 37km dhinaca Galbeed u dhaafeen Magaalada. Isla markaana sida ay warar Madax bannaan oo ka imanaya jiiddaasi sheegeen ay Ciidamada Somaliland ka qabsadeen Puntland 35 Maxbuus iyo 12 gaadhi oo 9 ka mid ahi yihiin Tikniko. Maxaabiistaas oo sida lay sheegay hadda loo soo gudbiyay dhinaca Magaalada Burco. Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha dhimashada ee soo gaadhay Ciidamada Puntland, haddana waxay wararkaasi madaxa bannaani sheegayaan in Ciidamada Somaliland ay dagaalka kaga dhinteen 4 askari, 15-kalena kaga dhaawacmeen.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
Hargeysa,






