10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND: “Innaga (Somaliland) ma jiraan wax Bossaaso iyo Garowe inaga jiraa ee Xudduudkeena ayaynu ku ekaanaynaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 16, 2007(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamuud Faarax, ayaa shaaca ka qaaday Mawqifka ay Siyaasiinta Gobolka Sool kaga jirta Dawladda Somaliland ay ka taagan yihiin Xaaladda Dagaal ee ka aloosan Gobolka Sool.

 

Guddomiye ku-xigeenka oo daba joogay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed X. Daahir Cilmi, ayaa waxa uu sheegay in ay Siyaasiyiin ahaan u baahan yihiin in dadka ku dhaqan Gobolkaasi dareenkooda la dejiyo. Isla markaana ay Somaliland ku ekaato Xuduuudda. “Xalay waxaan dhegaystay Wasiirka Warfaafinta, Ciidanku wuu guulaystay, waajibkiisiina wuu gutay. Markaa looma baahna in dadka la kiciyo, hadalo aan meesha ku jirinna in la yidhaahdo. Sababtoo ah waxa uu ku hadlay (Wasiirku) wax lagu hadlo ma ahayn. Waxa weeye, Garowe iyo Bossaaso waa Maamul aynu deris nahay, Somaliland-na ma rabto Dhiig qulqula. Waxay rabtaa wada hadal iyo nabadgelyo inay Jaararkeeda kula dhaqanto, ee inay dhiig baa Bossaaso iyo Garowe qulqulaya uu yidhaahdo nin masuul ah oo Wasiir ahi ma ahayn” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenku. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi, “Ciidanku guushii waa gaadhay, waanuna hambalyaynaynaa, hase ahaatee waxaa loo baahan yahay guul siyaasadeed. Inaga Bossaaso iyo garowe ma jiraan wax inaga jiraa, Xuduud baynu leenahay oo isku xuduud ma nihin ee xuduudkeenaynu ku ekaanaynaa. Anagana Siyaasiyiintayada Sool ka soo jeedda dhaawac wayn buu nagu yahay hadalkaasi. Waxaana loo baahan yahay in meesha la qaboojiyo. Maamulka Puntland waxaynu isku haynay waa siyaasiyad. Markaa waa in xaaladda la dejiyo….waxaananu codsanaynaa in Wasirka Warfaafintu uu ku ekaado Xuduudka. Waxa laysku hayaa waa siyaasad ee maaha qabiil sida ragga qaar u dhigayaan, waana dad walaalo ah oo meesha wada degan. Waxaanuna doonaynaa nimanka Majeerteeniya ka yimi inay dhulkooda ku ekaadaan.”

 

Waxaanu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, in Maamulka Puntland sababta Gobolka Sool looga saaray aanay ahayn qabiil kaliya oo ka soo horjeestay, balse ay tahay Gobolka Sool oo dhan oo ka soo hor jeestay. “Dadkii Maamulka Somaliland  way soo dhaweeyeen, Maamulka Puntland-na Qabiil ma nicin ee Sool oo dhan baa nacday, iyanagaana (reer Sool) u hiilin waayay.” Ayuu yidhi.

 

Hadalkan Gudoomiye ku-xigeenka, ayaa waxa uu ka dambeeyay Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, kaas oo uu ku sheegay in haddii aan Maamulka Puntland ka waantoobin sheegashada Gobolka Sool uu dhiiggu daadan doono Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaaso. Waxaana haddaladii uu Wasiirku Warsaxaafadeedkiisaa ku yidhi ka mid ah, “Haddii ay cashar ku qaadan waayaan (Maamulka Puntland) dhiiggu wuxuu qulquli doonaa Boosaaso iyo Garowe”

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).