10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka oo fikirkooda ka dhiibtay sida ay u arkayaan in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi Codka kalsoonida loo qaado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 16, 2007(HOL): Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxay ka hadleen fikirkooda ku aadan sida ay u arkayaan khilaafka ka dhex jira Xukuumadda iyo weliba in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulan ay mudanayaasha ku yeesheen Xaruntooda KMG ah ee ADC-da ayaa waxay jeediyeen hadallo lid isku ah, iyadoo ay mudanayaasha ku fikirka ah madaxweynaha ay soo jeediyeen in Xukuumadda uu waqtigii ka dhamaaday, isla markaana ay tahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada ku fikirka Ra’iisal Wasaare Geeddi-na ay soo jeediyeen in aan la gaarin waqtigii ay Xukuumadda kalsooni weydiisan lahayd Baarlamaanka, isla markaana ay tahay in la sii wado ajendayaal horay u horyaalay Baarlamaanka oo lagula xisaabtamayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, Cali Axmed Jaamac Jingeli, Maxamed Aadan Waayeel, Isaaq Shiikh Yarow iyo Cali Baashi Xaaji Maxamuud ayaa soo jeediyeey in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada kala ah Salaad Cali Jeelle, Macallin Jiis, Cabdi Dhuxulow Dheg-dheer, Sahra C/qaadir iyo Axmed Cumar Jees ay soo jeediyeen in  Baarlamaanka uu dib u eego qodobkii ku saabsanaa la xisaabtanka xukuumadda ee horay u socday, isla markaana aanu meesha soo gelin mooshin kale.

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in mooshinka ku saabsan in Xukuumadda waqtigii ka dhamaaday, isla markaana ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka ay tahay dulmi laga soo maleegay  sida uu u yiri dhinaca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna caddeeyay in Baarlamaanka looga fadhiyo in uu mooshinkaas meel iska dhigo, isla markaana uu sii wado dib u eegista dhaqaale soo galay Dowladda Federaalka oo aan la ogeyn meel uu maray.

 

Xildhibaan Xuseen Xasan Maxamuud Shiikh Xuseen ayaa sheegay in la soo dhaafay waqtigii Xukuumadda Federaalka loo siiyay in ay ku soo dhisto Guddiga Federaalka, wuxuuna caddeyay in ay Baarlamaanka ay hortaallo fursad dastuuri ah, isla markaana ay tahay in  codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku kala fikir noqdeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo khilaaf uu soo kala dhexgalay, iyagoo soo jeediyay fikrado ay kala qabaan labada mas’uul.

 

Kulanka ay mudanayaasha Baarlamaanka maanta ku yeesheen Xaruntooda ADC-da ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, waxaana goobta uu shirka ka socday ammaankeeda sugayay Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).