Talaado, October 16, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in uu yahay mid laga badbadiyay khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo cadeeyay in uu jiro fikir kala duwanaansho u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, kuwaasi oo sharciga hortiisa lagu xalin doono.
“Sida loo buunbuuninayo arrinta ma ahan, howlaha qaranka mas’uuliyiinta wadaaga fikir waa ku kala duwanaan karaan, laakin hadafka guud ee Ummadda leedahay ama qaranka leeyahay cid ka leexan karto ma jirto, fikradahaas iyaga ahna waa kuwo lagu xalinayo Baarlamaanka hortiisa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
“Xubno Gole wasiirro ah oo aanan aniga guddoomineynin shir ay yeesheen waa sheeko ay yeesheen, wax sal sharciyeed ahna ma lahan, Gole wasiirro anigaa shiriya ama cid aan u wakiishay haddii aan maqanahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo wasiirro dhawaan qaraar ka soo saaray Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ku baaqay in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaare Geeddi waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in uu damacsan yahay in uu istiqaalo dhiibo, wuxuuna farta ku fiiqay in ay wararkaas faafiyeen dad sida uu yiri Kheyru-mas’uuliyiin ah, “Qaranka Soomaaliyeed iyo shacbiga Soomaaliyeed xaaladda ay ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka horyaala ee dowladda ay mas’uuliyaddeeda qaaday in ay ka samatabixiso istiqaalo in la geeyo fulaynimo sow ma ahan oo laga cararo xilka in la guto, kuwa wararkaasi faafinayana waa kuwo raba in ay wiiqaan geedi socoka, dib u heshiisiinta iyo xasilinta Dalka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay cadaw ku tahay cid kasta oo diidan inay Soomaaliya xasisho oo nabadowdo, isla markaana ay ka bogsato nabarradii soo gaaray, isagoo caddeeyay in cadawgaas laga hortegi doono.
Ra’iisal Wasaare Geeddi mar uu ka hadlayay qaraxyo dhawaan ka dhacay Baydhabo waxaa uu sheegay in ay caado noqotay in mar kasta oo khilaaf ama khilaaf u eg ay ka dhexmaraan mas’uuliyiinta Dowladda ay qaraxyo la socdaan sida sanadkii hore dhacday oo kale, wuxuuna sheegay in ay dowladda ka shaqeyneyso sidii qaraxyadaas loo mareyn lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






