Talaado,
Howl-galka oo intiisa badan ka dhacay xaafada Buunda-weyne ee Magaalada Beledweyne ayaa ka danbeeyay Dil habeen hore xaafadaa loogu geystay Wiil dhalin-yaro ah oo sida la sheegay kooxo soo weraray ka qaateen Telefooka Gacanta ee (Mopelka) iyada oo sidoo kalana isla Xaafadaa lagu dhaawac Madax Canshuura Degmada Beledweyn.
Dhalin-yarada la soo xir xiray oo hada ku jira Saldhiga dhaxe ee Magaalada Beledweyne ayaa sida uu sheegay ku simaha Taliyaha Saldhiga Booliska G/Sare Xareed Nuur Faarax waxaa lagu wadaa in la soo saaro Maxkamad si markaa loo kala saaro kuwa danbiilayaasha ah kuwa aan wax dabi ah laheyn, waxaana uu intaa ku daray in howl-galku aheyn mid ku samin xaafada Buundo-weyn oo kaliya lakiin lagu baahin doono Xaafadaha Magaalada oo idil.
Marka la eego xaalada guud ee magaalada Beledweyne ayaa la
Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ka hadlayay falalka amaan daro ayaa arintaa ku eedeyay Ciidamada Nabad-galyada oo sida uu sheegay ka gaabiyay wax ka qabashada Nabad-galyada guud, ma ahan in Ciidamada la arko marka ay Mashiraaka qaadanayaan oo kaliya ayuu yiri gudoomiyaha oo dhanka kale ku canaantay Ciidamada hadii aysan waxba ka qaban karin xaalada Nabad-galyo in ay meesha baneeyaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






