Isniin,
Caruurta dhamatay oo sida la sheegay ahaa walaalo xiligaa ku sii jeeday Beer ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn magaalada ayaa la kala garan waayay Hilbahooda sida uu sheegay Goob jooge u waramay HOL.
Taliya qeybta Booliska ee Magaalada Beledweyne G/Sare Aadan Cadow oo markii danbe tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in hubka qaraxay laga soo tuuray sida uu hadalka u dhigay fariisinka Ciidamada Itoobiya ee Jante-guudisho, waxaana uu intaa ku daray in sababta arintaa baritaan lagu sameyn doono.
Xaaladda guud ee Magaalada Beledweyne ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay aheyd mid aan hagaag saneyn, mana aha markii ugu horeysay oo sida oo kale la maqlo Qarax kan oo kale ah, waxaana falalkana Nabad-galyo daro ee ka soo cusboonaaday Magaalada Beledweyne kii ugu danbeeyay heenimadii xalay lagu dilay Wiil dhalin yaro ah oo sida la sheegay kooxaha dilay ka qaateen Teleefoonka gacanta.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo arrimahan ka hadlayna waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Nabad-galyada in ay ka gaabiyeen howlihii loo xilsaaray, isaga oo faray hadii aysan waxba ka qaban karin xaalada nabad-galyo loo baahan yahay in ay meesha baneeyaan si markaa bulshadu markaa amaankeeda u sugato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






