10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamada AMISOM oo Baydhabo u tegaya in ay sugaan Ammaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 15, 2007(HOL): Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda u amba baxaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo haatan ay ku wada sugan yihiin madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in sababta ay u tegayaan Baydhabo ay tahay in ay sugaan ammaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo maalinta berri ah ay bilaabanayaan kulamo xiriir ah oo aad xasaasi u ah.

 

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo ka mid Xogheynta Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay ka wada hadleen sidii ay Ciidamadooda uga qeybqaadan lahaayeen sugidda ammaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasna ay Ciidamada Baydhabo ku tegayaan.

 

Xildhibaan Fiqi waxaa uu sheegay in marka ay Ciidamadaas Baydhabo gaaraan laga maarmi doono in ay xarunta Baarlamaanka galaan Ciidamo badan oo Soomaali ah oo ay wataan madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyadooda laga dareemayo Magaalada Baydhabo.

 

Xildhibaan Maxamed Fiqi oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in marka ay Xildhibaannada isu yimaadaan maalinta berri ah ay dhameystiri doonaan ajendayaal qabyo u ahaa oo ay dhawaanahan ka doodayeen, kuwaasi oo ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in marka la dhameystiro ajendayaashaas loo gudbi doono kuwa kale ee Baarlamaanka loo soo gudbiyo.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay Magaaladaas ku sugan yihiin Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo lagu arkayo waddo kasta oo soo gasha ama baxda Magaalada Baydhabo.

 

Ugu dambeyntiina, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka ay soo af-jaraan Ajendayaasha horyaala ee ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda waxaa looga fadhiyaa in ay xal sharci ah u helaan khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).