Isniin,
Kooxo Baasuukayaal ku hubeysan ayaa la sheegay in ay weerarkaas ka dambeyeeen, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu weerarkaas geystay marka laga reebo Guryo iyo Masjid Saldhigga ku dhawaa oo uu burbur soo gaaray.
Ku simaha Taliyaha Saldhigga Degmada Marka Cusmaan Xasan Gaagaale ayaa sheegay in weerarkaas uu dhacay xalay 1-dii habeennimo, isagoo caddeeyay in aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo halkaas ka dhashay marka laga reebo burbur soo gaaray masjid u dhow Saldhigga.
“Kooxo hubeysan oo aan la ogeyn waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidan yihiin ayaa xalay 7 saac oo habeennimo waxay weerar ku qaadeen saldhigga, balse wax dhibaato ah ma geysan weerarkooda”ayuu yiri Cusmaan Gaagaale.
Weerarkaas ayaa wuxuu si weyn u cabsi geliyay Dadka degan Xaafadda Saraha ee u dhow Saldhigga Degmada Marka, kuwaasi oo qaarkood ay bilaabeen in ay ka fogaadaan Saldhigga, si aysan dhibaato uga soo gaarin weerarrada lagu qaado.
Xaaladda Ammaan ee magalada Marka ayaa muddooyinkan dambe waxay ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxaana ka dhacay iska hor-imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Gobolka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo hojreeda, iyadoo falalkaas ammaan darrada ahna uusan weli wax ka qaban maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarkii xalay lagu qaaday Saldhigga Degmada Marka iyo iska hor-imaadyo ka horeeyay ayaa waxay nuxuusiyeen dadaal ay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Wada dega Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku doonayeen in ay salka ugu dhigaan Ammaanka Gobolka Shabeelaha Hoose,
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






