9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi in ay khilaafkooda dhameeyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 13, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa ugu baaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi in ay khilaafkooda  wada hadal ku dhameeyaan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan u kala eexan doonin labada mas’uul, isal markaana uu sharciga ku kala saari doono.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo u waramayay Wargeyska Al-Khaliij ee ka soo  baxa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa intaas ku daray In sharciga oo laga tallaabsado ay horay u burburiyeen Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu sheegay in haatan loo baahan yahay in sharciga la dhowro, khilaafaadyada jirana laga gudbo.

 

Shiikh Aadan Madoobe ayaa maalmahan kulamo la lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo xaraaradda Khilaafka u dhaxeeya ay sare u sii kaceyso, isla markaana ay haatan taagan tahay in ay khilaafkooda Baarlamaanka hor-geeyaan.

 

Dhanka kalena, Golaha Aqoonyahannada Gobolka Bay ayaa magaalada Baydhabo wuxuu ka wadaa dadaallo uu ku dhexdhexaadinayo labada mas’uul, sida uu ku waramay Fowsi C/nuur Maxamed oo Golahaas ka tirsan.

 

Fowsi waxaa uu sheegay in ay horay ula kulmeen Ra’iisal Wasaare Geeddi, isla markaana ay gudbiyeen Qoraal ku saabsan sida ay u doonayaan in ay u dhexdhexaadiyaan isaga iyo Madaxweynaha, wuxuuna intaas ku daray in ay haatan u qorsheysan tahay in ay la kulmaan Madaxweyne Yuusuf oo ay isna u gudbin doonaan qoraal midkaas la mid ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu Baarlamaanka Soomaaliya isugu yimaado kulan uu uga hadlayo Khilaafka labada mas’uul soo kala dhexgalay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Mudanayaasha Baarlamaanka ay la kala safan yihiin labada mas’uul ee is-haya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).