Sabti, October 13, 2007(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku fikirka ah Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka ee la safan Madaxweyne Yuusuf ay sharci darro wadaan, Xildhibaannada Ra’iisal Wasaaraha la jirana ay sharci ku fadhiyaan.
“Xildhibaannada Madaxweynaha la jira waxay wadaan Sharci Darro, Annagana sharci ayaan ku taagannahay, waana la arki doonnaa meesha wax ku dhamaadaan”ayuu yiri Xildhibaanka oo intaas ku daray in aaney jirin cid laga yeelayo in ay sharci darro ku dhaqanto, “Ciddii sharci darro la timaado sharciga ayaa lagu qaadayaa mana laga ogolaanayo in ay yeesho sidii ay doonto”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aaney jirin cid ka sareysa Sharciga, “Xitaa Madaxwenaha haddii uu sharciga u hoggansami waayo isna waa la diidayaa”ayuu yiri Xildhibaan Qanyare.
Xildhibaan Maxamed Qanyare oo ka hadlay soo jeedin ka timid qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada oo ku baaqay in ay Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisato Baarlamaanka waxaa uu sheegay in aan la gaarin waqtigii ay xukuumadda kalsooni weydiisan lahayd oo ku beegan horraanta 2009-ka.
Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa wuxuu ka mid yahay Xildhibaannad sida weyn ugu dooda in ay lagama maarmaan tahay in ay Hay’adaha Dowladda Federaalka ilaaliyaan sharciga, isla markaana Ciddii aan sharciga u hoggaansamin tallaabo laga qaado.
Hadalka uu jeediyay Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Soomaaliya uu ka socdo is-riix riix u dhaxeeya Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la kala safan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhawaan ayay ahayd markii 22 Wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo saareen Qaraar ay ku dalbanayeen in ay Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisato Baarlamaanka, haddii ay weydiisan weysana ay taasi micnaheedu tahay in aaney Xukuumad jirin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






