Sabti,
Qaraxaas ayaa la sheegay in uu ka dhashay Bambo ay garaaceen Caruurtaas oo qaarkood Kubad Cagta ciyaarayay, waxaana dhaawaca caruurtaas oo aad u culus la dhigay Isbitaalka Magaalada Jowhar.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Caruur ku ciyaartay Bambo, isla markaana uusan Qaraxaas ahayn mid siyaasadeed.
Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Jowhar oo aan la xiriirnay ayaa sheegay bambada ku qaraxday Caruurtaas ay ahayd haraaga hub iyo waxyaabo qarxa oo ay magaalada Jowhar isugu adeegsadeen Maxkamadihii Islaamka iyo Maamulkii Maxamed Dheere oo garabsanayay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada oo iyagu ku dagaalamay gudaha magaaladaas.
Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee ku takhasusay Hubka iyo waxyaabaha qarxa ayaa had iyo jeer waxay ka digaan in ay waalidiinta Caruurtooda ka fogeeyaan meelaha la rumeysan yahay in lagu aasay waxyaabaha qarxa iyo weliba goobaha lagu dagaallamo oo ay dhici karto in ay dhinacyada dagaallamaya uga tagaan hubkii ay isugu adeegsanayeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa uu noqday meel aan ammaan ahayn oo ay ku badan yihiin waxyeellada ay geysanayaan hubka iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo taasina ay sabab u tahay hubkii oo ku jira gacmo aan xilkas ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






