9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag oo ku dhaawacmay Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 12, 2007(HOL): Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qataa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Cabaas Cabdi Rooble.

 

Dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha oo ahaa mid aan loola dan lahayn ayaa wuxuu yimid kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa nawaaxiga Wasaaraddii Sigaarka iyo Tarraqa lagu weeraray Waxyaabo qarxa, kadibna ay Ciidamadu fureen Rasaas tiro badan, taasi oo keentay in uu dhaawacmo Guddoomiyaha oo xiligaas Wadada gaari ku marayay.

 

Col. C/llaahi Xasan Bariise oo ka mid ah Taliye ku xigeennada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha Degmada Howl-Wadaag, wuxuuna sheegay in dhaawaca gaaray Guddoomiyaha uu ku yimid si aan ku talagal ahayn oo ka dhashay rasaastii ay Ciidamada ku jawaabayeen kadib markii uu qaraxa dhacay.

 

Taliye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha ay xabad kaga dhacday Naaska hoostiisa, kadibna ay gadaal ka baxday, wuxuuna intaas ku daray in uu xaalka Guddoomiyaha uu wanaagsan yahay, goor dhoweydna uu ka soo tegay.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa mar kasta oo la weeraro waxay furaan rasaas tiro badan oo mararka qaarkood ay waxyeello ka soo gaarto Dad rayid ah oo wadada maraya ama guryahooda iska jooga, iyadoo taasina ay muujineyso tababar la’aanta heysata Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, habeen hore ayay ahayd markii Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ay si aan loo qasdin u dhaawaceen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cali Faarax, kaasi oo rasaas lagu furay uu dhaawac fudud ka soo gaaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).