Jimco,
Qaraxa lala beegsaday Wasiirka oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay Xaafadaha Degmada Afgooye ayaa wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay oo nooca la hago ahayd.
Wasiirka ayaa marka Qaraxa lala beegsanayay waxaa uu ka soo laabtay Beer uu ku leeyahay Degmada Afgooye, iyadoo halka qaraxa uu ku qabsadayna ay ahayd nawaaxiga Baar Ismaaciil.
Qaraxa lala beegsaday Wasiirka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu isla goobtaas ka dhacay Qarax weyn oo lala beegsaday Gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Sidoo kalena, Qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dadka Degmadaas ay u damaashaadayeen Munaasabadda Ciidda Soon-fur.
Ugu dambeyntiina, Maalmo ka hor ayay ahayd markii qarax weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay uu ku qarxay Xero ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku taala Magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaasina la xaqiijiyay in uu geystay khasaare soo gaaray Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






