9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-cafiyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 12, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta jeediyay khudbad ku aadan Munaasabadda Ciida Soon-fur ayaa wuxuu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan, isla markaana ay gacmaha is-qabsadaan.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii ay u gaari lahaayeen asaaggooda oo ay ka hareen, wuxuuna farta ku fiiqay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay shaqeeyaan sidii ay sharafkoodii iyo karaamadoodi u soo ceshan lahaayeen, isla markaana ay uga shaqeyn lahaayeen sidii ay nabadgelyo ugu wada noolaan lahaayeen.

 

Inkastoo uu Ra’iisal Wasaare Geeddi jeediyay Baaq ku saabsan in ay Dadka Soomaaliyeed is-cafiyaan, hadana kuma soo hadal qaadin Khudbaddiisa khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee cirka isku sii shareeraya, kaasi oo la filayo in maalinta berri ah looga hadlo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi wuxuu mar kale baaq u diray Beesha Caalamka oo uu ka codsaday in ay gargaar deg deg ah la soo gaarto Dad badan ku dhibaateysan gudaha iyo daafaha Muqdisho, isagoo dadkaasina ugu baaqay in ay guryahoodii dib ugu noqdaan.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa dhawaan Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho waxaa uu ugu baaqay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, isagoo sidoo kalena ka tacsiyeeyay tacaddiyo Dadkaas loogu geystay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baaqa is-cafinta ah ee uu jeediyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaasi oo qudhiisa loo baahan yahay in ay labada mas’uul iska cafiyaan munaasabadda Ciidda Soon-fur aawgeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).