9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya ku yaala oo maanta si weyn looga ciiday

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco,
October 12, 2007(HOL):Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo magaalooyin kale oo ku yaala dalka Soomaaliya, inkastoo ay jireen dad yar oo magaalooyinkaas ku sugan oo aan maanta ciidin.

 

Inta badan masjidyada ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday kadib markii xalay degmooyinka  Ufurow, Af-Madow iyo Marka xalay laga arkay Bisha Soon-fur, isla markaana ay dadkii bisha ay ka xaqiijiyeen Culumaa’udiin lagu kalsoonaan karo.

 

Masjidyo aan tiro badneyd oo Muqdisho ku yaala ayaan maanta laga dukan, kuwaasi oo la sheegay in ay u xirnaayeen Culumaa’udiinka maamula, kuwaasi oo iyagu maanta ay u tahay maalin Soon.

 

Dadka Muqdisho ayaa badankood waxay goosteen in ay maanta ciidaan kadib markii ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiriirro la sameysay meelaha bisha laga arkay ay ku dhawaaqday in ay maanta ciid tahay, isla markaana ay dadku wada ciidaan.

 

Hayeeshee waxaa weli ka dhex jira dadka Soomaaliyeed khilaaf ku saabsan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo tukashada Salaadaha Ciidda, waxaana taasi ugu wacan Culumaa’udiin firqooyin kala duwan ka tirsan kuwaasi oo khilaafka  u dhaxeeya la soo gala cibaadada Alle, gaar ahaan Soonka iyo tukashada Salaadaha Ciidda.

 

Ciidda Soon-fur ee sanadkan waa ay ka duwaneyd Ciidihii hore, waxaana taasi ugu wacan, iyadoo xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay dhacayaan Qaraxyo, iska hor-imaadyo hubeysan iyo weliba dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Waxaa xusid mudan in Ciiddii Soon-fur ee sanadkii hore ay magaalada Muqdisho ahayd mid ammaan ah oo ay Dadku si weyn u ciideen, waxaana ammaanka sugnaashihiisa sabab u ahaa Maxkamadihii Islaamka ee dalka ka talinayay. Maalintaas Dadku waxay ku tukadeen Salaadda Ciida Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo haatan ka soo horjeedkiisa oo ah Xarunta Golihii Shacabka ay degan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Marka  aan Muqdisho Ciid-deeda sidaas uga gudubno waxaa sidoo kale maanta laga ciiday magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya ku yaala, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Marka, Jowhar, Beledweyne, Baydhabo, Xudur,Gaalkacyo, Garowe, Boosaaso, Kismaayo, Baardheere iyo kuwo kale.

 

Ugu dambeyntiina, Dadka maanta Ciiday ayaa waxaa wejiyadooda laga dareemayay farxad, iyagoo isku salaamayay Ciid Mubaarak iyo Ciid Wanaagsan, isla markaana ku faraxsanaa in ay soo guteen waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).