Jimco,
Ninkani oo lagu magacaabo Han Suk-ho iyo Rag kale oo lala heysto oo tiradoodu gaareyso 23 Nin ayaa waxay ka shaqeynayeen Doomo Kalluumeysi oo la kala yiraahdo Mavuno 1 iyo Mavuno 2, kuwaasi oo xeebaha Soomaaliya laga qafaashay bishii May ee sanadkan.
“Waxaa laga joogaa 5 bilood tan iyo markii ay Kooxo Burcad Badeed ah na qabsadeen, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Koofur Kuuriya in ay ka shaqeyso sidii aan dib ugu noqon lahayn Guryaheena”ayuu yiri Mr. Han Suk-ho oo sheegay in ay Kooxda heysata si xun ula dhaqmaan.
Wuxuu sheegay Mr. Han Suk-ho in ay isugu jiraan 4 Nin oo u dhashay Koofur Kuuriya iyo 20 kale oo dhalashooda ay ka soo jeedo Qaaradda Asia, wuxuuna intaas ku daray in ay saaxibaddiis qaarkood ay la soo derseen xanuunno ay ka mid tahay Malaria oo aaney dawo u heysan, sidoo kalena wuxuu caddeeyay in marar qaarkood la jir-dilo.
Sidii loo jir-dilayay ayuu sheegay Mr. Han Suk-ho in saaxibadiis qaarkood ay waayeen ilkahooda iyo dhegahooda, wuxuuna intaas sii raaciyay in aysan heysan raashin fiican oo ay cunaan, “si aan nafta ugu ceshanno waxaan cunnaa Bariis ay na siiyaan kooxaha na heysta, kaasi oo ay qudhiisa ku milan yihiin Carro iyo Dhagxaan, isla markaana aan bani’aadam iska daaye aan xitaa xayawaanka loo quurin”ayuu yiir Mr. Han Suk-ho oo sheegay in kooxaha heysta ay aad u garaacaan marka ay cunaan sida uu yiri Caleenta la yiraahdo Khat-ka.
Dowladda Koofur Kuuriya ayaa horay u sheegtay Bishii Agoosto ee aynu ka soo gudubnay in ay socdaan dadaallo lagu soo deynayo Labadaas Doomood iyo Shaqaalaha saaran, hayeeshee weli waa la heystaan Shaqaalahaas iyo Doomahii ay la socdeen oo ahaa kuwo Kalluumeysi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






