9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo meel fagaare ah ka amaanay waxqabadkii dhinaca Ammaanka ee Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 12, 2007(HOL): Munasabada Ciidul-Fidriga ayaa  Maata siweyn looga oogay Magaalada Beledweyne oo xaruta u ah Gobalka Hiiraan waxaana si wada jir ah dadku Salaada Ciida ugu wada tukaday Garoon weyn oo ku yaala gudaha Xaruntii hore ee Ciidamada (Lama-galaay) iyadoo dadkii maata Salaada halkaa ku tukadayna uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

 

Markii ay Salaaddu soo dhamaatay ayaa waxaa halkaa Qudbo aad u dheer uga jeediyay dadka reer Beledweyne Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo marka dhan laga eego hadaladii uu  halkaa ka jeediyay la oran karo waa kuwo u badnaa dhinaca Diiniga.

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in Diinta Islaamku mid tahay islamarkaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta, waxaana uu intaa ku daray in khilaafka inta badan ka dhasha Munaasabadaha Ciida uu salka ku hayo sida culimadu isaga soo horjeedaan taasoo loo baahan yahay ayuu  yiri in laga gudbo.

 

Mar uu gudoomiyuhu soo hadal qaaday in ay jiraan Culimo qalad u aragta hab-dhaqanka Dowlada Fedraalka waxaa uu sheegay in dowladdu iyo shaqsiyaadka hogaamiyaaba aysan aheyn kuwo Mareykanka laga keenay, sidaa daraadeed hadii uu qalad jiro loo baahan yahay in la saxo.

 

“”Anigu Runtii aad ayaan u aamin-saan shaqadii ay hayeen Maxkamadihii laga saaray dalka, Fikir ahaan iyo Siyaasad ahaan aynu isku diidno laakiin waxaa caddaan ah in Maxkamaduhu waqtigii ay jireen qabteen shaqo aysan Dowladdu qaban, gaar ahaan marka la eego arrimaha ammaanka Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.”

 

Waxaana uu intaa ku daray hadii  maamulkiisa howlaha qaar lagu dhaliilayo loo baahan yahay in loo sheego, balse ma haboona ayuu yiri in wadda hadalkeeno noqdo Miino dhulka Lagu aaso iyo Bam laysku tuuro.

 

Habeenimadii xalay ayaa xili dadku siweyn ugu diyaar-goobayay Munaasabada Ciida waxaa Bam kuwa gacanta laga tuuro ah lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo marayay Xaafada Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne kasoo inta la og-yahay  uu ku nafwaayay qof rayid ah.

 

Inkastoo la oran karo Gobalka Hiiraan siweyn ayaa looga Oogay Munaasabad Ciida ayaa hadana xiriiro ay la sameysay HOL degmooyinka qaar waxaa jira Masaajiyo  wali aan laga Oogin Salaada, waxaana Xusid mudan in Gudoomiyaha Gobalku Maanta sheegay Masjidkii Maalinta Bari ah laga Maqlo (Takbiirta Ciida) loo qaadanyo mid soo wada Tafaraaruq maamulkuna iska qaban doono.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).