Jimco, October 12, 2007(HOL): Warsaxaafadeed uu Magaalada Asmara ka soo saaray Isbaheysiga la magac baxay Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Sh.Shariif Sh.Axmed uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciidda soonfur ee barakeysan aawgeed, waxa uuna Allaah uga baryay Shacabka Soomaaliyeed in uu ka aqbalo Soonka, Salaadda iyo Ducooyinkii ay la yimaadeen bisha soon ee barakeysan ee sannadkan.
Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray xoogagga muqaawamada, madaxdooda, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, aqoonyahanka iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee diiday in ay u hogaansamaan damaca gumeysiga iyo dabadhilifyadiisa, muruq, maal iyo maskaxna u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen ciidamada cadawga ee qabsaday una soo celin lahaayeen sharafkii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiiday”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ibaheysiga
Sidoo kale Guddoomiyuhu munaasabadda Ciidda soonfur awgeed waxaa uu hambalyo u dirayaa dhammaan dalalka Islaamka iyo madaxdooda, waxaanu ugu baaqay in ay ku taageeraan shacabka Soomaaliyeed sidii uu xoriyadiisii iyo madaxbanaanidiisii u soo ceshan lahaa, ciidamada Ethiopia-na dalka looga saari lahaa.
“Shacabka Soomaaliyeed waa xusuusnaan doonaa sida ay madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa caalamkaba indhaha uga laabteen – intooda aan ka qeyb qaadan- waxyeelaynta joogtada ah ee ciidamada cadawga ah ee soo duulay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed xilli aysan xukuumada sharci ahi aysan dalka ka jirin” ayuu yiri guddoomiyaha oo intaas ku sii daray.
“Waa wax laga xumaado iyadoo dhiigii shacbka soomaaliyeed uu cadwgu daadinayo, oon, gaajo iyo hoy la’aanna ay la il daran yihiin intii ka badbaaday xabadda cadawga in ay kuwa masuuliyad sheeganaya ay u baratamayaan sidii ay gaari lahaayeen raalli ahaanshaha cadawga”.
Guddoomiyaha Isbahaysiga waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go’anatahay isbahaysigiisa xoreynta dalka, waxa uuna yiri waa inay Ethiopia ciidamadeeda ciidda Soomaaliyeed kala baxdaa, shacabka reer Ethiopia-na waxa uu ugu yeeray inay iska qabtaan madaxdooda faraha dhiiga kula jirta ee cadawga ku ah nabadda iyo degegnaanta gobalka haddii ay rabaan inay sii jirto qarannimadooda.
Ugu dambeystii guddoomiyaha waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taakuleeyaan kuwooda tabarta daran, sidoo kale hay’adaha samafalka, ururada goboleed iyo kuwa dawliga ahba waxa uu ugu baaqay inay garagaaraan Soomaalida ku waxyeeloowday dhibaatada gumeysiga.
XAFIISKA WARFAAFINTA ISBAHEYSIGA






