
Khamiis,
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa Dadkaas gaarsiiyay Deeq Raashin ah oo gaareysay 23 Tan, taasi oo Dadkii loo qeybiyay ay aad ugu farxeen.
“Deeqdan oo ka kooban raashin noocyo kala duwan leh waxay gaareysan
23 tan, waxaana ugu talagalnay Dadka ka barakacay Soomaaliya ee ku sugan Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo
Deeqdan ayuu sheegay Safiirka in ay iska soo uruuriyeen Ganacsartada Reer Kenya, gaar ahaan kuwa Nariobi ku dhaqan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka damqadeen dhibaatada heysata dadka ka soo barakacay gudaha Soomaaliya ee ku sugan Xadka u dhaxeeya Labada Dal.
Safiirka waxaa socdaalka uu ku tegay Xadka Soomaaliya iyo
Ugu Dambeyntiina, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa mar dhawaan loo dhaarinayay xilka Safiirnimo waxaa uu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono xaalad nolol xumo ah oo ay ku sugan yihiin Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






