11 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka oo albaabada isugu dhuftay Idaacadda SIMBA

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay albaabada u laabeen Idaacadda SIMBA oo ka mid ah Idaacadaha FM-ka ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ruqsad la’aan galay Xarunta Idaacadda SIMBA ayaa waxay amar ku bixiyeen in la demiyo Idaacadda oo hawada ku jirtay, isla markaana uu socday Warkii subaxnimo.

 

Ciidamadii galay Idaacadda SIMBA ayaa halkaas waxay ka kaxeysteen Agaasimihii Idaacadda oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Faarax (Catoosh) iyo Wariye lagu magacaabo Maxamed Faarax Talyaani.

 

Ciidamadu ma aysan sheegin sababta ay u demiyeen Idaacadda SIMBA, isla markaana ay u kaxeysteen Wariyaha iyo Agaasimihii Idaacaddaas, basle waxaa jiro warar isa soo taraya oo sheegaya in Idaacadda loo heysto wareysi ay labo jeer la yeelatay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan loo magacaabay Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.

 

Ma ahan Idaacaddii ugu horeysay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka hawada ka saaraan, isal markaana ay kaxeystaan mas’uuliyiinta iyo Wariyayaasha ka howlgala, dhawaan ayayna ahayd markii ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay hawada ka saareen Idaacadda Shabeelle oo muddo 15 maalmood ah hawada ka maqneyd.

 

Ugu dambeyntiina, Tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka la wareegeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayaa waxay shaqada ka joojiyeen Idaacado dhowr ah oo Muqdisho ku yaala, waxaana Idaacadahaas ka mid ah Horn Afrik, Capital Voice, IQK, Shabeelle, Banaadir iyo SIMBA oo ugu dambeysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).