11 C
London
Sunday, October 26, 2025

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Khasaaraha uu geystay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 11, 2007(HOL):  Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax xooggan oo xalay lala beegsaday Xero ay ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku taala Magaalada Baydhabo.

 

Warar aynu ka helnay magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in qaraxii xalay lala beegsaday Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey oo haatan fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku geeriyoodeen seddex Askari oo ka tirsan Ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

 

Xarunta lagu qarxiyay Ciidamada Itoobiyaanka oo u dhow Hotelka uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa lagu soo waramayaa in aaney jirin wax khasaare ah oo Qaraxaas ka soo gaaray Xubnaha Dowladda Federaalka ee Hotelkaas ku sugan.

 

Qaraxa xalay lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo uu kaxeynayay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa biimeeyay.

 

Qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Baydhabo iyo duleedyadeeda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaaladaas ay ku sugan yihiin seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Magaalada Baydhabo ayaa qaraxaas kadib waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo la sheegay in ay adkeynayaan Ammaanka Baydhabo oo uu haatan ka jiro is-xulufeysi u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda iyo Mudanayaasha Baarlamaanka

 

Ugu dambeyntiina, 18-kii September 2006 ayay ahayd markii qarax xooggan uu ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaasi oo ay ku dhinteen Dad 10 ruux ka badan-na uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo qaraxaas uu ka soo gaaray dhaawac fudud oo qoorta iyo wejiga ka gaaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).