11 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaawacay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gudaha Magaalada Baydhabo ku dhaawaceen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cali Faarax.

 

Wasiirka ayaa dhaawacmay kadib markii ay ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka rasaas huwiyeen gaari uu watay Wasiirka oo marayay meel u dhow Guriga Guddoomiyaha, inkastoo dhaawaca soo gaaray Wasiirka uu yahay mid fudud.

 

Wasiirka qudhiisa oo wax laga weydiiyay sida ay xaaladdiisa caafimaad tahay ayaa waxaa uu sheegay in uu wanaagsan yahay, isla markaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray lugta bidix.

 

Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa rasaasta ku furay Wasiirka kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu watay oo ku soo dhawaaday Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, iyadoo rasaaseyntaasna ay ku soo beegantay waxyar kadib markii qarax xooggan lala beegsaday Xero ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo Magaalada Baydhabo ku taala.

 

Wasiirka ayaa la sheegay in markii la rasaaseynayay uu doonayay in uu deegaan ka sameysto guri u dhow Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana uu halkaas iska aaday iyadoo aan la wargelin Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo heegan ku jiray.

 

Magaalada Baydhabo oo ay  haatan ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u tiro badan oo aan horay loogu arki jiray, waxaana la sheegayaa in ay Ciidamadaas yihiin kuwo sugaya Ammaanka Madaxda sare ee Dowladda oo qaarkood uu khilaaf u dhaxeeyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).