11 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamada Nabadgelyada Beledweyne oo xabsiga dhigay Shakhsiyaad lagu soo eedeeyay in u hanjabeen Shaqaalaha MSF-Swiss ee howlgala Isbitaalka Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Ciidamada Nabad-galyada Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa xabsiga u taxaabay shaqsiyaad lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyeen hajabaadyo loo diray Hay’ada MSF-Swiss ee Maamusha Isbitaalka Guud ee Gobalka Hiiraan, kadib markii dacwad arintaa ka dhan shaqaalaha Hay’adu hor dhigeen Maamulka Gobalka.

 

Shaqsiyaadka la sheegay in ay direen Fariimaha hanjabaad ah oo gaaraya ilaa 7 ruux ayaa waxaa ka mid ah 2 Dumar ah, waxaana maamulka Gobalku sheegay in qaar ka mid ah lagu hayo cadeymo muujinaya in si toos ah arintaa ugu lug lahaayeen, waxaana Maamulku intaa ku daray in laga qaaadi doono Taalbo ku haboon.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlayay Shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howl-gala Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne ayaa u sheegay in ay sii      wadaan howlahooda caadiga ah, Mana jirto ayuu yiri cid is hortaagi karta howlaha loo hayo dadka dhibaateysan.

 

Markii uu soo baxay warka ku saabsan Hajabaada loo diray xarunta Hay’ada MSF-Swiss waxaa dhamaanba istaagay howlihii ka socday gudaha Isbitaalka,  waxaana xusid mudan in markii ay maqleen shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howl-gala Isbitaalka warka ku saabsan Hajabaada loo daray xaruta Hay’ada in ay uga tageen Saalada Qaliinka bukaan laga hayay howlo qaliin ah.

 

Qaar ka mid ah warqadaha loo diray Xarunta Hay’ada oo nuqul ka mid ah dib loogu soo ciliyay maamulka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku qornaa erayo ugu baaqaya shaqaalaha hay’adu in ay isaga baxaan Gobalka hadii kale ay mudan doonaan ciqaab dil ah,  taasoo siweyn uga careysiisay shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howl-gala Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

 

Lama oga tallaabada xigta ee uu maamulku ka qaadi doono shaqsiyaadka xiran, inkastoo Gudoomiyaha gobalku uu sheegay in shaqsiyaadka sida tooska loogu hayo cadeymaha lagu qaadi doono caqaabo ka dhan ah danbiga ay galeen,  waxaana soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen Ciidamada Nabad-galyada Gobalka Hiiraan Bulshada Gobalka oo ku tilmaamay hajabaada loo daray Hay’ada MSF-Swiss mid lasyku hortaagayo howlaha Samafalka ah ka socda Gudaha Gobalka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).