
(Diyaarad Xamuul ah oo Maantay ka qaaday garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku dhawaad 10,000 toban kun oo hilib xoolo kala duwan ah)
Khamiis,
Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah ayaa galabtay soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado taasoo qaaday ku dhawaad toban kun oo kilo oo hilib ah kaasoo isugu jira ari iyo lo’ loona dhoofinayo dalka Cumaan ka dib markii lagu qalay warshad weyn oo hilibka lagu diyaariyo kuna taal isla magaalada Cadaado.
Shirkadda hilibka dhoofineysa oo lagu magacaabo Ilays trading company ayey howl wadeenadeedu sheegeen in ay qorshaha ugu jirto in dhoofka hilibku sii socon doono iyagoo sheegay in ku tala galku yahay in todobaadkiiba labo jeer hilibkan loo daadgureeyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.
Cusmaan Xuseen Xalane oo ah wakiilka shirkadda u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed iyo maamulkaba ka doonayaan wada shaqeyn si howshooda ay u noqoto mid umadda hormarida.
Dhoofka hilibkan ayaa ku soo beegmay xili dalku ku jiro xaalad adag xagga dhaqaalaha, xooluhuna aysan lahayn beec sareeya hase yeeshee dhoofida hilibkan ayey soo dhaweeyeen dad badan oo xoolo dhaqato ah oo ku nool Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Cilmi Nuure Wehliye






