11 C
London
Sunday, October 26, 2025

22 Wasiir oo Baydhabo ka soo saaray Qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda Federaalka ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.

 

22 Wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka soo saareen magaalada Baydhabo qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.

 

Wasiirradan ayaa sheegay in qaraarka ay soo saareen ay u cuskadeen qodobka 11aad ee Axdiga KMG ah qeybihiisa 8aad iyo 9aad oo dhigaya in Xukuumadda ay Baarlamaanka kalsooni weydiisato 12-ka Oktoobar 2007, iyagoo intaas ku daray in haddii aaney Baarlamaanka kalsooni weydiisan ay taasi sumcad darro u tahay.

 

Wasiir ka mid ah Wasiirrada Qaraarkan soo saaray oo HOL  u waramay balse diiday in magaciisa la soo bandhigo ayaa sheegay in soo jeedintooda ay tahay mid sharci ah, isla markaana ay tahay in ay Xukuumadda kalsooni weydiisato Baarlamaanka, wuxuuna wasiirkan intaas ku daray in ay go’aankan qaateen kadib markii uu Ra’iisal Wasaare Geeddi oo ay guddi u direen uu diiday in ay Golaha Wasiirrada shir ka yeeshaan Qaraar Baarlamaanka loo gudbiyay oo ku saabsan in Xukuumadda ay Baarlamaanka Kalsooni weydiisato.

 

12-ka Oktoobar 2007 ayay xukuumadda Federaalka ugu buuxsameysaa muddo labo sanadood ah oo la rabay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka ee lagu dhaqayo Dalka Soomaaliya, iyadoo aan ilaa iyo haatanna soo diyaarin Dastuurkaas.

 

Qaraarka ay soo saareen Wasiirradan ayaa wuxuu ayidayaa go’aan uu Madaxweyne Yuusuf ku doonayo in ay Xukuumadda kalsooni weydiisato Baarlamaanka, walow ay go’aankaas ka soo horjeedaan Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo xubno Xildhibaano ah oo ku fikir ah.

Halkan ka daawo Sawirrada Wasiirrada Qaraarka soo saaray

 

Magacyada Wasiirrada Qaraarka soo saaray:

 

    1. Maxamed Maxamuud Gacma-dheere, Wasiirka Arrimaha gudaha
    2. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Wasiirka Waxbarashada
    3. Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud, Wasiirka Maaliyadda
    4. C/risaaq Isaaq Biixi, Wasiirka Gaashaandhigga
    5. C/llaahi Yuusuf Maxamed Xaraare,Wasiirka Batroolka
    6. Maxamed C/llaahi Kaamil, Wasiirka Warshadaha
    7. Cabdi Maxamed Tarax, Wasiirka Boostada
    8. Cali Ismaacil Cabdi Giir, Wasiirka Dekedaha
    9. Qamar Aadan Cali, Wasiirka Caafimaadka
    10. Cali C/llaahi Cosoble, Wasiirka Qorsheynta
    11. C/raxmaan Jaamac Cabdalla, Wasiirka Dib u dhiska
    12. Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
    13. Cali Maxamed Maxamuud, Wasiirka Dalxiiska iyo Duur-joogta
    14. Maxamed Nuuraani Bakar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
    15. Maxamed Maxamuud Xeyd, Wasiirka Deegaanka
    16. Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiirka Warfaafinta
    17. Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Xanaanada Xoolaha
    18. C/qaadir Nuur Carraale, Wasiirka Beeraha
    19. Aamina Maxamed Mursal, Wasiirka Haweenka & Arr. Qoyska
    20. C/llaahi Axmed Afrax, Wasiirka Ganacsiga
    21. C/llahi Cabdi Garrun, Wasiirka Amniga
    22. Xasan Dhimbil Warsame, Wasiirka Garsoorka

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).