Arbaco, October 10, 2007(HOL): Wareegto maanta ka soo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga digay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala Magaalada Muqdisho in ay bixiyaan SIM Cards aan Nambarradooda la arkeynin marka qof laga wacayo.
Wareegtadan oo ahayd mid uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa lagu yiri “shirkaddii bixisa SIM Card aanu nambarkiisa muuqaneynin in loo aqoonsanayo in ay la shaqeyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.
Wareegtan Digniinta ah ayaa u muuqata mid uu kaga hortegayo maamulka Gobolka Banaadir in ay shirkaduhu bixiyaan SIM Cards-kaas, waxayna wareegtadan soo baxeysaa xili dadka Muqdisho ay si weyn u argagaxaan marka ay Taleefoonnadooda gacanta (Mobiles-ka) ku arkaan Taleefoon u soo dhacaya oo aan hadana la arkeynin nambarkiisa, ayna kaliya ku qoran tahay (no number), inkastoo ay jiraan wicitaanno dibadda ah oo sidoo kale soo qora (no number).
Dad badan oo la shaqeeya Dowladda Federaalka iyo kuwo aan la shaqeynin ayaa waxay sheegeen in loo soo diray Taleefoonno aanu nambarkooda muuqan, kuwaasi oo loogu hanjabay in haddii ay joojin waayaan waxa ay ku jiraan la dili doono.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu soo saaray wareegtooyin ku wajahan Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwaasi oo qaarkood uu shaqadii ka joojiyay sida Laamaha Shirkadaha Hormuud iyo Telcom ee Degmada Huriwaa, iyadoo lagu eedeeyay in xarumahooda hub laga helay.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulayaasha Shirkadaha Isgaarsiinta Muqdisho oo ay ugu waa weyn yihiin Telcom, Hormuud iyo NationLink, kaasi oo ku saabsan wareegtadan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






