12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 01, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhex qarxay Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland ee isku horfadhiya deegaannada Abeesoley iyo Ari-Caddeeye.

 

Dagaalka dhexmaray labada Ciidan ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Abeesoley ee Gobolka Sool ayaa waxaa uu geystay Dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay.

 

Dhawaqa Madaafiic ay Labada Ciidan isku ridayeen ayaa waxaa laga maqlayay deegaano ka fog halka uu dagaalka ka dhacay, waxayna taasi si weyn u cabsi gelisay Dad ku dhaqan Magaalooyin ay ka mid tahay Magaalada Laascanood, kuwaasi oo si weyn u hadal u haya Dagaalka mar kale ka dhex qarxay Ciidamada labada Maamul.

 

Xaaladda Magaalada Laas-Caanood ayaa aad u kacday kadib markii Magaalada la keenay Qof Meyd ah iyo Qof kale oo dhaawac ah, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in Gaadiid Ambulance ah oo loo maleeyay in ay dhaawacyo sidaan ay u gudbeen dhinaca Magaalada Garowe, walow aaney jirin cid xaqiijisay in ay Gaadiidkaas dhaawacyo sideen iyo in kale.

 

Dhinaca Somaliland marka laga reebo in ay xaqiijiyeen in uu dagaalka bilowday ayaan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca dhinacooda soo gaartay, walow la sheegay in ay labada dhinac dagaalka khasaare ka soo gaartay.

 

Waxaa shaqeyn weyday waan waan ay beryahan labada dhinac ka dhex wadeen Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Laas-caanood, taasi oo ay ku doonayeen in ay ku baajiyaan Dagaal labada Ciidan ka dhex qarxa.

 

Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay in muddo ah isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen, iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo gacan ku heynta Gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).