12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Booliska oo ka wada hadlay Sugidda Ammaanka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 01, 2007(HOL): Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska  ayaa maanta waxay yeesheen shir looga hadlayay Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho.

 

Shirkaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa ka qeybgalay Ku Xigeennada Guddoomiyaha Gobolka, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka iyo weliba Taliyayaasha Ciidamada, waxaana si weyn loogu lafo-guray sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka Gobolka Banaadir.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda  C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa sheegay in kulankii maanta la iskula soo qaaday sidii loo sugi lahaa Ammaanka Gobolka Banaadir, isla markaana ay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha  Ciidamada ay wada shaqeyn joogto ah u yeelan lahaayeen.

 

C/fataax Shaawey ayaa sheegay in ay shirka isugu yimaadeen kadib markii ay dardar la soo baxeen sida uu u yiri Kooxihii wax weerari jiray, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ugu dambeyntii la isku af-gartay in meel looga soo wada jeesto sidii loo sugi lahaa Ammaanka Gobolka Banaadir.

 

Shirka ay isugu yimaadeen madaxda Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Booliska ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Kooxaha Weerarrada ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen Saldhigga Degmada Hodan, isla markaana ay la wareegeen gacan ku heyntii Saldhiggaas oo markii dambena ay gubeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Taliska Ciidanka Boolska Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada Booliska ay dhawaan Muqdisho ka sameyn doonaan howlgallo lagu sugayo Ammaanka Muqdisho, kuwaasi oo ka duwan howlgalladii hore, wuxuuna C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan La-xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda sheegay in la diyaariyay Ciidamadii howlgalladaas sameyn lahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).