12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Shirkadaha Duulimaadka Magaalada Beledweyne oo sheegay cabsi laga qabo in ay baaqdaan Xujeydii Sanadkan ka bixi lahayd Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 01, 2007(HOL): Xarumaha Shirkadaha duulimaadku ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa markoodii ugu horeysay muujinaya wal wal ay ka qabaaan sida ay sheegeen in Sanadkan ay baaqdaan in badan oo ka mid ah Xujeydii ka bixi laheyd gobalka Hiiraan sababo dhinaca Socdaalka ah.

 

Madaxa Xafiiska Jubba Airweys ee Magaalada Beledweyne Max’ed Cismaan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada Federaalku Mamnuucday Boosabuurkii hore ee Soomaaliya, Islamarkaana ilaa hada aan la soo gaarsiin Gobalka Hiiraan Baasaboorka Cusub ee uu dalku yeeshay, waxaana uu intaa ku daray in Xafiiskooda lagu soo war-galiyay dadka Sanadkan doonaya Xajka in ay tagaan Magaalada Muqdisho.

 

Max’ed Cismaan Madaxa Xafiiska Jubba Airweys waxaa uu intaa raaciyay in inta badan dadka ay kula kulmaan xafiiska yihiin kuwa ka wareysta in la soo gaarsiiyay Baasaboorka cusub si markaa ay isku diiwaan galiyaan, taasoo ah mid hoos u dhigeysa tiradii looga bartay Gobalka in ay ka aadaan dhinaca Xajka.

 

Sababaha sii adkeynaya in dadku iska diiwaan galiyo dhinaca Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin Jidadka oo laga cabsi qabo in ay xiraan Daadad ka soo rugmaday Wabiga shabeele, iyo waliba dadka oo ah kuwo da’ah oo aan ka bixi karin safarka adag ee loo sii maro jidka isku xira magaalada Beledweyne iyo Mudisho.

 

Waxaa uu ka codsaday Waaxda Socdaalka Dowlada Federaalka in ay soo gaarsiiyaan gobalka Hiiraan Baasaboorka cusub, maadaama ayuu yiri la gaasiiyay qaar ka mid ah Gobalada dalka oo ah kuwo sida uu hadalka u dhigay ka baaxad yar gobalka Hiiraan.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah Xarumaha qaba qabasho taa la mid ah Xaruta Shirkada Daalo ee Gobalka Hiiraan oo xubno ka tirsani sheegeen in ay aad hoos ugu dhaceen dadka iska diiwaan gali ee doonaya in ay Sanadkan u anba baxaan dhinaca Xajka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).