
Isniin, October 01, 2007(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxay dadkaas Muqdisho ka barakacay ugu deeqday lacag dhan 16,000US$, taasi oo loogu soo hagaajiyay Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam oo isna Raashin noocyo kala leh ugu iibiyay Dadkaas.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Bani’aadam Inj. C/Casiis Mayow Maxamed ayaa sheegay in ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ay soo gaarsiiyeen lacag dhan 16,000 US $ (Lix iyo toban Kun oo Doollar), taasi oo ay ku iibiyeen Raashin ay u iibiyeen Dadka ku barakacay Deegaanka Xaawo Cabdi, kuwaasi oo ay nolosha ku adkaatay kadib markii ay guryahoodii uga soo carareen dhibaatada Xamar ka jirta.
“4000 oo qoys oo ah dadka soo barakacay ee ku dhaqan degaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa la gaarsiiyay Deeq raashin ah oo qiimaheedu dhan yahay 16,000 US $, taasi oo ay u qeybisay Hay’adda Samafalka Wadaniga ah ee Baniadam, wuxuuna raashinkaas ka koobnaa 400 kintaal oo Galley cad ah, 80 kiintaal(160 kiish) oo Bur ah, iyo 40 kintaal (4,000 kg) oo Timir ah”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Bani’aadam Inj. C/Casiis Mayow Maxamed oo qeybinta raashinkaas kadib u waramayay HOL.
“Deeqdaan waxaa iska soo qaaraamay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada
Deegaanka Xaawo Cabdi waxaa ku dhaqan Qoysas tiro badan oo u badan Dadkii ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanayay Ciidamada Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeday, iyadoo dadkaasina ay yihiin kuwo u baahan gargaar bani’aadannimo.
Dadka deeqdaas la gaarsiiyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay Walaalahooda Soomaaliyeed ee u soo gurmaday ee ku dhaqan Magaalda Ottawa ee Dalka Canada, waxayna Allaah uga baryeen in uu Ajir ka siiyo Deeqda ay soo gaarsiiyeen, weliba ay aad ugu baahnaayeen oo lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam wuxuu horay u gaarsiiyay Isbitaalka Xaawo Cabdi ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho Deeq Dawo ah oo lagu soo iibiyay Lacag ay soo dhiibtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ee Dalka
Deeqdaas Lacageed oo dhameyd 6,250 US $ ayaa waxaa loogu iibiyay Bukaanada ku jira isbitaalka Xaawo Cabdi Dawooyin isugu jiray Anti biotics, Faleebooyinka Shubanka lagula tacaalo, labo qaboojiye oo dawada lagu keydin doono, Qalab Sheybaarka loo isticmaali iyo dawooyin kale.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Deeq Lacageed oo ka timid Dalka Canada la soo gaarsiiyo Dadku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana horay deeqo Lacageed u soo gaarsiiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee isla Dalka Canada, taasi oo lacagihii ay soo dhiibtay dawooyin loogu iibiyay Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan Dad qaba dhaawacyo kala duwan oo ay xitaa ku jiraan kuwo ka dhashay Dagaalladii lagu hoobtay ee bilihii Maarso iyo April ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay isna ku jiraan Hooyooyin iyo Caruur xanuuno kala duwan la il-daran, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in Deeqdaas ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan raashin loogu iibiyay Dad ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ku nool Tuulooyin hoos-taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






