
Isniin, October 01, 2007(HOL): Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan waxay ku eedeysay in ay barakiciyeen dada Kumanaan ah, iyagoo ku andacooday in ay xaafadahooda ka raadinayaan Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda.
Inj. Suudaan Cali Axmed oo Hay’addaas madax ka ah ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in dadkaas la barakiciyay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin duleedka Wadada Warshadaha.
“Kuuma sheegi karo nambar sugan oo ah dadka barakacay inta ay tiradooda gaareyso, waxaanse rumeysanahay in ay kumanaan yihiin, waxaana ku qasbay in ay guryahooda ka barakacaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya”ayuu yiri Inj. Suudaan Cali Axmed oo sheegay in ay dadkaasi noloshii ku adkaatay kadib markii ay gurayahooda ka barakaceen.
Inj. Suudaan Cali Axmed waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda aysan u kala rooneyn shacabka, wuxuuna taas sabab uga dhigay in marka ay Kooxaha hubeysan shacabka dhexdiisa ka weeraraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay iyana Ciidamadu sameeyaan howlgallo ay mararka qaarkood dadka rayidka ah dhibaato ka soo gaarto, “Kama taxadaraan Nolosha Shacabka”ayuuna yiri.
Laakin Saraakiil u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay in uu jiro amar lagu barakiciyay Dad guryahoodii ku sugnaa, waxayna sheegeen in warkaas uu yahay mid aan rasmi ahayn.
G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin amar ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku saabsan in Dad degan Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ay guryahooda isaga guuraan.
Inkastoo Sarkaalkan u hadlay Dowladda Federaalka u sidan leeyahy hadana Dad badan oo ku noolaa Xaafadaha Ceymiska, Carafaat iyo Tawakal oo Degmada Yaaqshiid ka tirsan ayaa guryahoodii isaga barakacay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ka howlgelayay ay amar ku siiyeen in ay xaafadahaas ka guuraan, iyagoo ku eedeeyay in ay gacan siiyaan Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






